Shirkii madasha wada-tashiga oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

0
207

Muqdisho (INO) Shirka madashada wada-tashiga hoggaamiyayaasha Soomaaliya ayaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka,kaaso la filaya in laga soo saaro go’aanka ugu dambeeya ee doorashada dalka ka dhacaysa xilligeeda.

Wararka ka soo baxaya shirka ayaa sheegaya in maanta la soo gabagabeynayo sida uu horay qorshuhu u ahaa,waxa ugu weyn ee laga sugayana waxaa ay tahay in laga soo saaro jadwal taariikheysan oo ku aaddan waqtiga ay dhaceyso doorashada sannadkan, iyo waxa ay tahay in la qabto ka hor doorashada.

Daah-furkii shirka ee shalay ayaa looga wada-hadlay,iyadoo laga doodayay warbixinno kala duwan oo laga dhageystay guddiyo uu kamid yahay guddiga farsamada ee heer qaran.

Waxaa soo baxaya walaac ku aadan dib u dhac ku yimaada doorashada oo muddo labo bilood ah dib loo dhigo,taaso sabab u ah in wali aysan jirin is-afgarad buuxa oo ay gaaren hoggaamiyayaasha madashada.

Guddiga doorashooyinka heer faderaal ayaa Isniintii toddobadkan sheegay in shirka madashada uu yahay kulanka ugu dambeeya ee lugu go’aaminayo waqtiga rasmi ah ee doorashada la qaban doono.

Dowladda jadwal hore oo ay soo gudbisay,wuxuu qorshuhu ahaa inay doorashada in ay qabsoonto bisha September ee soo socota, iyada oo baarlamaanka la soo xuli doono 20-ka bishan August ee aynu ku jiro,taasina hadda ma muuqato.