Shirkii ugu dambeeyay Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta Muqdisho ka furmaya

0
194

Muqdisho(INO)- Shirkii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, ayaa si rasmi ah wuxuu maanta kaga furmayaa Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ay isugu imaan doonaan Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira, ayaa lagu go’aamin doonaa xilliga ay dhaceyso Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in Shirkaan uu yahay kii ugu dambeeyay oo xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ay yeeshaan, maadaama shirar hore oo marxalado kala duwan soo maray Madasha ay isugu yimaadeen.

Guddiga Doorashooyinka dadban ayaa ka qaybgalaya shirka, kuwaasi oo Madaxda u gudbin doona, xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo.

Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa shirkooda labada cisho ah, marka uu soo dhamaado kadib waxa ay xaqiijin doonaan waqtiga rasmiga ah ee doorashada dalka ay ka dhici doonto.

Beesha caalamka ayaa Dowladda Federalka Somaliya waxa ay ku adkeynaysaa in Doorashada waqtigeeda aysan kadib dhicin.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Somaliya ayaa sheegay Doorashada inay ku dhacdo Waqtigeeda in laga doonaayo Dowladda Somaliya, culeyskasta oo jira.

Sida ku xusan Dastuurka Somaliya Doorashada waxa ay tahay inay dhacdo Dabayaaqada Bisha August Culeyska jira waa in Doorashada ay dhacdo waqtigii loogu talo galay, iyadoo la og yahay inay jiraan dhowr shey oo la doonaayo Dowladda inay qabato ka hor Doorashada inta aanan la gaarin si shacabka Somaliyed iyo Beesha caalamka ugu kalsoonaadaan dowladda Federalka Somaliya.”