Mogadishu, Idale News Online (INO) – Mid ka ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxtinimada Somalia ee sanadkaan la filaayo in ay dalka ka qabsoonto Musharax C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa sheegay in wixii ka danbeeya 9 Septembar aanu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegan karin madaxweyne, loona baahan yahay inuu xilka ka dego kuna wareejiyo dowlada kmg ah ama “caretaker government” inta madaxdii bedeli laheyd laga dooranaayo.
“Arrinta waxay taagan tahay haddii xilliga dhammaado sidee la yeelaa, Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid wixii ka dambeeya 9-ka Sepember waa inay xilalka wareejiyaan, annaga nala mid noqdaan, sharciyadii waa ka dhammaatay..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo u warramay mid ka mida idaacadaha Muqdisho.
Wuxuu ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay ku fashilantay wax waliba oo ay balan qaaday, isla markaana aysan cudurdaar ka dhigan karin xaalad iyo caqabado maadaama loo doortay inay xaaladaasi dalka ka gudbiyaan. Wuxuuna soo jeediyay in dalka loo sameynayo dowlad KMG ah oo doorashada hirgelisa.
“Waxaa muuqata inay doorasho ku dhici karin xiligii loo qorsheeyay, waxaan Golaha Ammaanka meel u yaala qaraar lagu caddeeyay inaan hal maalin loogu dari karin hay;adaha dowladda ee hadda jira, siiba fulinta iyo madaxtooyada” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo carrabaabay in guddoomiyaha Baarlamaanka noqon karo madaxweyne KMG ah.
Shirka Madasha oo la filaayo inuu furmo dhowaan ayaa doodiisa uGu badan ay tahay waxa laga yeelaayo mudda madaxda sare ee dowlada marka la gaaro September 09-2016.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Mogadishu, Somalia