Munaasabad Lagu Sagootinayey Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Caawa Jigjiga Lagu Qabtay “DAAWO SAWIRRADA”

0
241

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana lagu sagootinayey wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Jigjiga ayaa caawa lagu qabtay guriga martiga magaaladatan Jigjiga.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad deegaanka Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirrada, maareeyeyaasha iyo Agaasimayaasha maamulka,wafdiga Budoomiyaha Baarlamaanka,waxgarad,odayaal,haween,dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan jigjiga.

Munaasabadda ugu horeyn waxa ay ku bilaabatay casho sharaf si heer sare ah loosoo agaasimay ayadoo goob barxad ahna ay ku wada casheeyeen mas’uuliyiinta iyo bulshadii kala duwaneyd ee munaasabadda kasoo qeybgashay waxaana Munaasabadda kadib bilowday ciyaarro Hidaha iyo Dhaqanka kuwaasi oo ay si aad ah u jecleysteen dadweynihii kasoo qeybgalay Munaasabadda ayadoo mas’uuliyiin iyo shacabba si isku mid ah u ciyaarayey ciyaarta Dhaantada loo yaqaan.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay Munaasabadda ayaa ku amaantay dadweynaha iyo madaxda Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia mudada kooban ee ay jiraan hormarka ay deegaanka gaarsiiyeen ayadoo hormarkaasina uu yahay mid hada ka muuqda dhulka dowlad deegaanka Jigjigaba ha ugu horeysee.

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isna Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay hormarka ka jirta dhulka ismaamulka dowlad deegaanka Soomaaliyeed waxaana uu booriyey in hormarkan lasii wado.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Jawaari oo isna Munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa xusay in waxa uu ku arkay Jigjiga maalmaha uu booqashada ku joogay ay tahay wax qof walba oo damiir leh ama u damqanaya Soomaali farxad dheeri ah ku beeri kara waxaana uu Gudoomiyuhu ku ammaanay maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo shacabkaba sida ay u hirgeliyeen nidaamka Federaalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa sida ay u muujiyeen hormarka Jigjiga waxaana uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar fariin u diray madaxda kale ee Dowladda Federaalka oo uu ka codsaday in sidan si lamid ah ay deegaankan usoo booqdaan si uu usii socdo qibrad isweydaarsiga walaalaha,hormarkuna u noqdo mid baaha.

Si kastaba Munaasabadda ayaa kusoo gebageboowday jawi farxadeed ayadoo ugu dambeynna Wafdiga uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka madasha Hadiyaddo lagu gudoonsiiyey kuwaasi oo Hidaha iyo Dhaqanka ahaa.

Idale News Muqdisho