Xaalada deegaanada ay la wareegeen Ciidamada dowladda ee Shabellaha Dhexe oo degan

0
233

Xaalad degenaansho ayaa saaka laga dareemayaa goobihii ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Shabellaha Dhexe, iyadoo ciidamada qorsheynayaan inay gaarayaan deegaano hor leh oo isku xira Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in xaalada Garoonka diyaaradaha Jowhar oo qiyaastii 15-KM u jira Jowhar iyo deegaanka Buurane ay xaaladooda tahay mid degan, waxaana Ciidamada aysan xalay ku hoyan degmada Mahadaay.

Deegaanka Buurane oo ay Ciidamada saldhigyo ka sameysteen ayaa waxaa ka baxda labo wado oo istiraatiiji ah, oo midna u leexata dhinaca Mahadaay, halka wadada kalena ay toos u aado ilaa Gobolada Dhexe.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada ay ku wajahan yihiin ilaa deegaanka Fiidow oo ah xuduuda Shabellaha Dhexe uu la wadaago Gobolka Hiiraan, waxaana ciidamada u muuqdaan inay isku dhiririnayaan wadada laamiga.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Shabellaha Dhexe ee dhinaca dhaqaalaha Cali Cismaan Ibraahim ayaa sheegay in qorshuhu yahay in wadada dheer ee Laamiga ee isku xira Hiiraan ilaa Shabellaha Dhexe ay ammaankiisa sugaan.

Waxaa uu sheegay inay tagi doonaan deegaano kasta oo ka tirsan Shabellaha Dhexe, isagoo xusay inay hada wadaan in ammaanka deegaanada ay la wareegeen ay xaqiijiyaan, isagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gaareen deegaano ka baxsan Jowhar oo labadii bilood ee u dambeeyay ay ku sugnaayeen, waxaana Maamulka Gobolka sheegay in muhiimad u tahay qabashada garoonka diyaaradaha Jowhar.

Idale News Muqdisho