Daawo: Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle Oo Beeshiida Ka Codsatey Inay U Doortaan BFS Ee 2016

0
229

Baydhabo(INO)- Xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdulle ayaa markale bulshada deegaanada ay kasoo jeedo ka codsatay in mar kale ay u doortaan Mudane Baarlamaan ee Doorashada 2016.

Munaasabadan ay kasoo qayb galeen odayaal, waxgarad ,Haween iyo dhalinyaro ayaa waxa soo qaban qaabisay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo Haatan ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka  Dowlada Federalka Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid mar kaasi xildhibaan Sareedo ay Daboolka uga qaadaysey in markale ay u sharaxan tahay in ay ka mid noqoto xildhibaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 2016.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo ugu horeyn kulanka ka hadashay ayaa Bulshada ku nool deegaanka ay ka Soo Jeedo ka codsatay in mar kale ay u doortaan in ay ka mid noqoto mudanayaasha BFS.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay odayaal,Haween iyo dhalinyaro kuwaasoo soo dhaweeyey codsiga ay soo jeedisay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle iyagoona ku amaanay mudadii ay xilkani haysey waxayaabihii ay qabatay.

Ugu dambeyntii,  Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdala ayaa mudo 12 sano kaban ka mid ahayd Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Wariye Abshir Maxamed Nuur, Warbaahinta Idale News Online, Baydhabo.