Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada galbeedka Jowhar

0
265

Cutubyo ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay galbeedka magaalada Jowhar, iyadoo diyaar garowga ciidamada si weyn looga dareemay qeybo ka mid ah magaalada.

Sida ay sheegayaan warar goor dhow naga soo gaaray Jowhar Ciidamada ayaa ka dhaqaaqay halka lagu magacaabo Abshir Cali Guure oo mudooyinkan difaac u ahaa Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana ciidamada ay qabteen wadada dheer ee aada Mahadaay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in saakay ay gudbeen Ciidamo fara badan iyo Taangiyo, waxaana ciidamadan ay u muuqdeen kuwo guurayay, saanadooda iyo sahaydoodana ay u dhameyd.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada ay qorsheynayaan inay qabtaan degmada Mahadaay oo u jirta Jowhar 30-KM iyo garoonka diyaaradaha oo galbeedka Jowhar kaga beegan ilaa 20-KM.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa u sheegay Jowhar.com in ciidamada ay ku guda jiraan diyaar garowgoodii u dambeeyay, isla markaana ay isku xirayaan wadada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda ee hogaamineysa ciidamada ayaa sheegay in qorshahooda koowaad uu yahay inay tagaan xuduuda Shabellaha Dhexe uu la wadaago Hiiraan, si ammaanka magaalada Jowhar iyo deegaanada ku dhow dhow ay u xaqiijiyaan.

Warar goor dhow naga soo gaaray degmada Mahadaay ayaa sheegaya in cabsi xoog leh ay ka jirto, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Al-Shabaab ay banaanka uga baxeen degmada, inkastoo maalmihii u dambeeyay aanay sidaas ugu xooganeyn degmada.

Gulufkan dagaal ay wadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa muhiim u ah gacan ku heynta Garoonka Diyaaradaha Jowhar, maadaama aanay wali Jowhar tagin wax Hey’ado ah, isla markaana tan iyo bishii December magaalada ay aheyd mid iska xasilneyd, Ciidamo badan oo Milateri ay ku sugnaayeen.

Idale News Muqdisho