Ciidamada Ammaanka Nigeria oo baadi-goob ugu jira 7-shaqaale ajaaniib lagu afduubtay Waqooyiga Nigeria

0
223

Ciidamada ammaanka Nigeria ayaa ku raad-joogo Dabley Hubeysan ah oo afduubtay ilaa 7-shaqaale ajaaniib ah oo ka howl galayay shirkad dhisme ah, iyagoo toogtay mid ka mid ah ilaaladii shaqaalahaas.

Afduubkan ayaa noqonaya tii ugu weyneyd ee ka dhaca Waqooyiga Nigeria mudooyinkan dambe, waxaa jira tuhuno ku saabsan kooxaha ka dambeeya afduubkan.

Mid ka mid ah La heystayaasha ayaa u dhashay talyaaniga, mid ka mid ah waa Gariiga, iyo labo u dhalatay Lubnan.

Laakin Saraakiisha Britain ayaan xaqiijin wararka sheegaya inuu ku jiro muwaadin British ah.

Dableyda hubeysan ee afduubka geysatay ayaa shaqaalahan ajaaniibta ku weeraray Gobolka Bauchi, iyagoo dilay mid ka mid ah ilaalada shirkada dhismaha qaabilsaneyd.

Waqooyiga Nigeria ayaa in dhawaalaba waxaa ka dhacayay weeraro ay ka mas’uul ahaayeen Kooxda Islaamiga ee Boko Haram.

Idale News Muqdisho