Turkiga oo sheegay in dib loo bilaabayo howlihii Isbitaalka Deva ee Muqdisho

0
293

Muqdishgo(INO)-Kadib markii uu hakad ku yimid howlihii Isbitaalka Deva ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana Shaqaalaha Turkiga ah ee Hay’adaasi ay dalka isaga baxeen amar ka soo baxay Dowladda ayaa Turkiga waxa ay sheegeen in dib loo bilaabayo shaqada Isbitaalka Deva.

Olgan Bekar, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Magaalada Muqdisho oo maanta Saxaafadda kula hadlay Xarunta Safaarada ayaa sheegay in dib loo bilaabayo shaqada Isbitaalka Deva.

Wuxuu sheegay bilowga Bisha August in dib loo howlgelinaayo xarumaha Hay’ada Nile Academy oo Dowladda Turkiga ay gacanta ku hayso.

Dowladda Somaliya iyo Safaarada Turkiga ee Muqdisho ayuu sheegay in arintaasi ay ka shaqeyn doonaan, waxaana uu u laab qaboojiyay Ardaydii wax ka baran jirtay Xarumaha Nile Academy inay dib u heli doonaan waxbarashadooda.

“Anaga iyo dowladda Somaliya ayaa ka wada shaqeyneyna sidii howlaha u sii socon lahaayeen, gaar ahaan Isbitaaladii iyo Iskuuladii ay gacanta ku heysayna anaga la wareegi doono, waxaa u sheegayaa Ardaydii dhiganeysay Iskuulada in waxbarashadooda inay dib u bilaaban doonto, bisha soo socota ee Agosto dib loo furi doono”ayuu yiri Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Hay’ada Nile Academy oo uu leeyahay wadaadka lagu eedeeyay Afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga ayaa xarumo badan oo Muqdisho kaga sugneyd waxa ay dadka u qaban jirtay adeegyo kala duwan oo caafimaad iyo waxbarasho ah.