Wax ka yar 30 Cisho oo ka harsan Waqtiga Xildhibaanada mana socoto qaban qaabo Doorasho

0
303

Muqdisho ( INO)-20 Cisho oo kaliya ayaa u harsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama uu Waqtigooda ku egyahay sida Dastuurka KMG ah uu qeexayo 20-ka Bisha August ee 2016.

Mana muuqdaan dhaq dhaqaaqyo ama Diyaar Garow ku aadan Dhismaha Baarlamaanka dowladda soo socota ee Bedelaya Baarlamaanka hadda.

Waxaana gaabiskaas uu jiraa xilli dad badan ay rumeysan yihiin in howsha soo xulista Xildhibaanada ay ka adagtay habkii 2012 oo  Odayaashu ay soo xulayeen Xildhibaanada maadaama  hadda la sheegay in illaa 50 qof ay soo dooranayaan Xildhibaanka haddii laga dhabeey.

Sidoo kale waxaa laga wada dhur sugayaa in si dhameystiran loo soo dhiso Aqallada Hoose iyo kan sare intaba.

Hadana Golaha Shacabka ayaanu maalmihii waxaan ka socon howlihii Baarlamaanka iyadoo aan la xirin weli Kalfadhigii 8aad ee ah kan ugu dambeeyay ee Baarlamaanka hadda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa mar sii horeysay si cad u sheegay in ay iyaga Baarlamaan ka sii ahaan doonaan dalka illaa Baarlamaan ay howsha ku wareejiyaan loo yagleelo dalka.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaana uga digay inta hadalheysa in Baarlamaanka muddo kororsanaya ee Soomaalida ah amaba Ajnabiga ah aysan ahayn arrin iyaga quseysa.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka tirsan ayaana ku taageeray Guddoomiyaha Ra’yigiisa isagoo tusaale u soo qaatay in Baarlamaankii hore ee Dowladdii KMG aysan  kuraastoo oo banaan isaga tagin ee ay Baarlamaanka la soo dhisay ku wareejiyeen.

20 August ee fooda nagu soo heyso waxaa ku eg Waqtiga Xildhibaanadda Baarlamaanka hadda 10 September-na ee 2016 waa xilligii lagu waday in Madaxweynaha dalka la doorto.

Beelo Badan oo Soomaaliyeed ayaa cabanaya oo sheegaya in Booska duubabkoodii dhaqanka la gacan bidixeeyay islamarkaana kuwa ay ku sheegeen Maqaar saarka aysan aqoonsan doonin Xildhibaanada Magacooda ay ku soo xulaan.

Maamulka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan  oo Muhiim u ah soo xulista Xildhibaanada Heer Federaal ee dowladda dhexe weli lama soo dhisin , Mugdi ayaana ka jira dhismihiisa.

Waxaana weli aan go’aan rasmi ah laga gaarin Maqaamka Muqdisho ee Aqalka sare ee Baarlamaanka ku yeelaneyso.

Arrimahaas oo dhan ayaa dad badan waxa ay ka niyad jabisay in waqtigii loo baahnaa wax weliba ay ku qabsoomaan iyadoo la isweydiinayo hadmaa Isbedel imaan doonaa marka laga hadlayo kala wareega dowladda hadda iyo tan laga wada dhur sugayo.