Xarakada Al-Shabaab oo sheegay in wax maamul ah uusan ka shaqeyn doonin Jubooyinka

0
253


Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in wax maamul ah uusan ka shaqeyn doonin deegaanada Jubooyinka, iyadoo lagu wado in dhowaan magaalada Kismaayo uu ka furmo shirweyne Maamul loogu sameynayo Jubooyinka.

Wakiilka Al-Shabaab u qaabilsanaa Jubooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in duulaanka Kenya ku soo qaaday Jubooyinka uu yahay inay ku qabsato, isagoo xusay in maamulka loo sameynayo uu yahay mid dhaqaale lagu raadinayo.

“Ma shaqeyn doono maamul la dhoodhoobay oo Jubooyinka loo dhisa, waan ka hortagi doonaan”ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo la hadlay warbaahinta afka Shabaab ku hadasha.

Mr Xudeyfa ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya, isla markaana aanay mar qudha ku nasan doonin sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in weerar dhaba gal ah ay ku qaadeen Ciidamo Kenyan ah oo ka soo baxay Kismaayo, isla markaana qorshahooda ahaa inay deegaanada ay ku sugnaayeen weerar ku soo qaadaan.

Qaban qaabada shirweynaha maamul loogu sameynayo Jubooyinka ayaa ka socda magaalada Kismaayo, iyadoo 23-ka bishan la filayo inuu furmo shirkaas, waxaana ku qul qulaya Kismaayo Ergooyin, siyaasiyiin iyo dadka ka soo jeeda deegaanada qorshuhu yahay in maamulka loo sameeyo