Al-Shabaab oo Xildhibaano Ku Dhex Leg BFS iyo is-miidaamin

0
354

Muqdisho(INO) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo cabsi jirta aawgeed uga gaabsaday magaciisa ayaa dayniilenet.com u xaqiijiyay in geerida Ex-Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil “Saalax Badbaado” ka hor ay qadka Telka kuwada hadleen.

Xildhibaanka arrintaani xaqiijiyay ayaa sheegay in Naftii halige Saalax Badbaado uu u cadeeyay in Al-shabaab ay hayaan dhammaan xogta Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanka waxa uu dayniilenet.com u xaqiijiyay in Saalax Badbaado geeridiisa ka hor uu ka xigtay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku dhexjiraan kuwo ay wada shaqeyn kala dhexeyso Al-shabaab, sidaa darteedna aysan maalin ku qaadaneynin inay dilaan Xildhibaan waliba oo ay u baahdaan.

Naftii halige Saalax Badbaado, waxa uu sidoo kale Xildhibaankaasi u xaqiijiyay in shaqaale badan oo ka tirsan Baarlamaanka ay wada shaqeyn kala dhexeyso Al-shabaab, taasina ay sahleyso in Kooxda ay fuliso waxa ay maankeeda ka maagto.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale cadeeyay in Saalax Badbaado uu si gaar ah ugu hanjabay shaqsiyadiisa ka hor is qarxintiisa maadaama ay horay usoo wada shaqeeyen, balse waxa uu markii danbe kawarhelay inuu ismiidaamiyay.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa horay u sheegay in wada shaqeyn ay kala dhexeyso xubno farabadan oo ka tirsan dowlada misne shaqaale ka ah.

Tani waxa ay cabsi xad dhaaf ah u keentay Xildhibaanada iyo guud ahaan Madaxda dalka oo iyagu uu soo foodsaaray kala cabsi.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.