Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM ayaa wada hadal la galay odayaasha dhaqanka ee magaalooyinkii dhowaan lagala wareegay al-Shabaab ee Jannaale, Aw-Dheegle iyo Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wadahalka ayaa ah mid ay soo abaabushay waaxda siyaasadda ee AMISOM ayaa waxaa looga hadlay sidii ay kuwada shaqeyn lahaayen Odayaasha dhaqanka Deegaanadaasi ay dhawaan la wareegen AMISOM iyo Ciidamada dowladda waxaana Goob-joog ka ahaa Kulankaasi Xildhibaano ka tirsan Xukuunadda Somalia oo iyagu kasoo jeeda Deeganadaasi
Odayaasha iyo Masuuliyiinta AMISOM ayaa isla meel dhigay wadashaqeyn si loo dhammeystiro dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku baadigoobeyso sidii loo heli lahaa nabad waarta iyo soo celinta ammaanka dalka oo dhan, waxaana arintaasi soo dhaweeyay Saraakiisha iyo Odayaasha kulanka joogay
Saraakiisha AMISOM ayaa iyagu sheegay in haddii la waayo nabad marba la dilaayo waxgaradka iyo aqoonyahaanada taasina looga gudbi karo in la helo wada shaqeyn dhex marta Odayaasha iyo dadweynaha iyo Ciidamada AMISOM oo garabsanaaya kuwa somalia
Si kastaba ha ahaatee Odayaasha ayaa warqoraal ah ku sheegay inay la shaqeyn doonaan Ciidamada isku dhafka ah waxa ayna sheegen in shacabka ay ka dhaadhacsiin doonaan waxa loogu yeero nabad waxaana hadalkaasi qalinka ku duugay Saraakiisha iyo masuuliyiinta AMISOM oo iyaguna dhankooda ka sheegay inay dhaqaale iyo amaanba ku bixin doonaan Gobaha ay la wareegen Ciidamadda dowladda Si loo dhameystiro haraadiga shabaab.
Idale News Muqdisho