Mandera ( INO)-Xarakada Al Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay dileen ku dhawaad 10 Askari kadib markii ay weerareen Deegaan ka tirsan Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.
Weerarka ay sheegeen Al Shabaab in ay ku dileen Akartaasi ayaa ahaa Qarax kaas oo Ciidamo Kenyan ah lagula eegtay Magaalada Mandera.
Saraakiil Kenya ka tirsan ayaa Warbaahinta u sheegay in Ragga Al Shabaab ka tirsan ee fuliyay weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ay meesha wax ka dhaceen isaga baxsadeen.
Ugu dambeynti, Laakiin Saraakiishaasi Kenya ma sheegin Khasaraha rasmiga ah ee ka soo gaaray weerarkaasi ay sheegteen Masuuliyaddiisa Xarakada Al Shabaab.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.