Dhageyso+Wareysi:Cudur Dad Badan Ku Dhibaateyey Degmada Berdaale Iyo Tulooyinka Kale Ee Ku soo Dhow

0
356

Berdaale(INO)- Dadka Ku Godoonsan Degmada Berdaale Ee Gobolka Bay Ayaa Xiligaani Waxaa Ay Kacawanayaan Xaalado Caafimaadaro Ah Iyadoo Hada Degmdaasi Ay Kadilaacmeen Cuduro Kala Duwan Oo Wada Saameyey Dadka iyo Xoolaha Ku Nool Degmada Berdaale Cudurka Halista Ku Noqdey Dad Badanna Ay U Dhinteey Ayaa Waxaa Lagu Sheegey In Uu Yahay Cudur Layiraado Bug Fuur Dadka Sameyey Ayaa Waxaa Ay U Badan Yihiin Dadka Da’adooda Ay Ka Weentahay 55 Jirka.

Gudoomiyahay Degmada Berdaale Ee Gobolka Bay Weedow Cali Xasan Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Degmadaani Ay Kajirto Dhibaato Aad Uweyn Halisna Ay Ugu Jiraan Guud Ahaan Shacabka Ku Nool Magalada Berdaale Iyo Kuwa Kale Ee Kusoo Dhow Degmada Hadii Lawaayana Gar Gaar Waxaa Uu Sheegey In Dadka Ku Nool Berdaale Bar Kabarba Ay U Dhiman Karaan Cudurkaani.

Gudoomiyaha Ayaa Dhanka Kale Waxaa Uu Sheegey In Uu Jiro Cudur Kale Oo Asna Ku Dhaca Haweenka Xiliga Dhalmada Dhibaatana U Geestey Haween Badan.

Xaalada Caafimaadarada Ah Ee Kajirto Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay kuma Eka Oo Kaliya Dadka Xoolo Badan oo Ay Iskugu Jiraan Geel, Ari Iyo Lo Ayaa Iygana Ku Baqtiyey Sanbabo Caafimaadaro Darteed Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey Cuduradaan Lasoo Derseen Xoolahaani In Ay Yihiin Cuduro Daawo Loo waayey Misana Lakasi Waayey Cudurka Ay yihiin Madamada Aysan Jirin Xarumo Cafimaad Loo Lagu Baaro Nooca Uu Yahay In sida Looga Hortagilaa Cudurkaasi,

Gudoomiyaha Degmada Berdaale Ee Gobolka Bay Weedow Cali Xasan Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Degmada Aysan Ka Jirin Xaarumo Caafimaad Oo Wax Loogu Qabto Shacabka Ku Dhibaateysan Magalada Berdaale Oo Hada Ay La Ildan yihiin Xaalado Caafimaadaro Ah Cudurada Ay Kajiraana Halkaasi Hada Ay U Dhinteen Dad Badan Oo Degan Magalada Dhaxdeeda Iyo Kuwa Ku Soo Dhow.

Degmada Berdaale ee Gobolka Baay Waxaa Ay Kamid Tahay Degmooyinka Uu Ka Armiyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Maamulka Kg Waxaa Uu Leeyahay Wasaarad Caafimaad Balse Wasaarada Caafimaadka KGS Ayeysan Jirin Wax Ay Ka Qabatey Xaaladaha Caafimaadarada Ah Ee Ka jirto Goboladaan KGS Iyadoo Degmaayin Badan Ee Katirsan Kg Dadka Ay Ku Nool Yihiin Ay U Dhinteen Cuduro Kala Duwan Dad Kalena Ay U Ildaran Yihiin.

W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)