Madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday cee iyo fadeexad weyn ka dib markii uu mar qura surwaalkii uu qbay uu ka dhacay xili uu hadal jeedinaayey islamarkaana si Live ah ay kaamirooyinku u duubayeen.
[vsw id=”CdOTO8QYB2w” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]
Madaxweynha dalkaas Kenya Mwai Kibaki ayaa waxaa la sheegay inay qabsatey fadeeaxad qosol badan ka dib markii uu gebi ahaanba uu surwaalkii uu qabay uu ka siibtey oo uu ka dhacay xilli uu hortaagnaa dad uu hadal u jeedinaayey, madaxweynaha ayaa xilligaas waxaa si toos ah u duubayey kaamirooyinka, Laakiin madaxweynaha oo u muuqday mid ku sooo baraarugay waxa qabsaday ayaa waxaa halkaas ku caawiyey oo u qabtey surwaalkii mid ka mid ahaa ilaaladiisa oo gadaashii taagnaa iyadoona uu sidoo kale ninkaas ahaa booliiska uu xayiray ama uu is hortaag ku sameeyey kaamirooyinkii duubaayey madaxweynaha ilaa iyo inta uu iska diyaarinaayey oo uu si fiican uu u xiranaayey surwaalkiisa.
Madaxweyne Kibaki oo ah nin aad iyo aad u da’a weyn ayaa qaar badan oo ka mid ah dadka reer Kenya waxaa ay caro weyn ka muujiyeen soo bandhigada fadeexada qabsatey madaxweynahooda ayagoona ku tilmaamay inuu madaxweynuhu yahay qof weyn oo bini’aadana ah islamarkaaana aysan ahayn wax lagu qoslo waxa qabsaday madaxweynaha iyagoona sidoo kale ku tilmaamay inay tahay anshax xumo soo bandhigida shilalalka noocaas oo kale ah ee qabsada dadka madaxda ah ee lagu dacaayadeynaayo.
Idale News Muqdisho