Awdhegle(INO)-War Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliya ayaa lagu sheegay ciidamada Xooga dalka Somaliya, gaar ahaan ciidanka DANAB inay Khasaare ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan Shabaab weerar ay ku qaadeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose.
Weerarkan oo dhacay shalay galab ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada Xooga dalka iyo kuwa Amisom, waxaana Qoraalka Madaxtooyada ka soo baxay lagu sheegay in howlgalkaasi uu u dhacay sidii loogu talo galay.
Madaxtooyada Somaliya ayaa sheegtay in la baabi’iyay Saldhigyo Shababka ay ku lahaayeen Awdheegle, sidoo kalena la dilay saddex xubnood oo Shabaab ka tirsan, gaadiid dagaalna laga gubay.
“Ciidammada huwanta ayaa cagta mariyay laba xero oo Al Shabaab ay halkaasi ku lahayd, waxaana isla goobtaasi lagu dilay saddex ka mid ah argagixisada, iyadoo laba gaari oo kuwa dagaalka ahna laga burburiyay.” Ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada ka soo baxay
Ciidammada huwanta ayaa maalmahan gobolka Shabeellaha Hoose ka wadey hawlgalo culus oo ay ku waxyeeleynayaan dhaq-dhaqaaqyada kooxda argagixisada Al Shabaab ay gobolka ka waddo.
“Hawlgalka Aw-Dheegle ayaa noqonayaa mid ay ku diirsan doonaan shacabka degaankaasi, maadaama ay meesha ka baxayaan lacagihii sida khasabka looga qaadan jirey iyo falalkii argagixisonimo ee ay Al Shabaab kala kulmi jireen.” Ayaa sidoo kale lagu yiri Qoraalka Xafiiska Madaxtooyada ka soo baxay.
Ciidanka Danab oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa waxaa uu ka kooban yahay xubno si gaar ah loogu tababarey inay la dagaalamaan, isla markaana baabi’iyaan Al Shabaab ee Soomaaliya ku sugan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an inay sii socdaan hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom ee hadafkoodu yahay in Al Shabaab laga ciribtiro dalka.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay