Haween Shabaab looga shakiyay iyo qaar kamid ragii ka danbeeyay dilkii Sheekh Cabdulqaadir oo gacanta lagu dhigay

0
223

Wararka laga helayo magaalada laascaanood ee gobalka Sool ee Somaliland ayaa waxa ay xaqiijinayaan in ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen haween aan tiradooda lacayimin oo looga shakisanyahay Shabaabnimo iyo laba rag ah oo mid kamid ah uu qirtay in uu ka danbeey dilkii Sheekh Cabduqaadir.

Ilo wareedyada aan kahelnay warkaani ayaa waxa ay xaqiijinayaan in haweenka laqabtay ay ka yimaadeen Buurta Galgala ee gobalka Bari halkaasi oo ah xilligaan saldhigga ugu weyn ee Shabaab ay ku leyihiin guud ahaan dalka Soomaaliya.

Haweenkaasi oo aan tiradooda wali lacayimin ayaa wararku waxa ay intaa ku darayaan in xabsi loo dhadhiciyay, su’aalana laweydiinayo si wax badan looga ogaado.

Dhanka kale, ciidamada amaanku waxa ay gacanta ku dhigeen laba nin oo lasheegay in ay gaari yar wateen, kadibna police-ku baaritaan ay ku sameeyeen mid kamid ah uu qirtay in uu kamid ahaa dadkii maleegay dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax (Gacameey) oo maalma kahor lagu kharijiyay Masjid ku yaalla Gawoore.

Ninka labaad ayaa isagu waxa uu iska dafiray in uu arinta wax lug ah ku leeyahay hasa yeeshee gaariga uu watay ninka lala qabtayna uu gaariga ka kireesty iyada oo Police-ku sheegeen in baaritaan dheer ay ku sameyn boonaan.

Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa lagu dilay isaga oo Salaad u taagan masjid ku yaala Caasimada gobalka Nugaal iyada oo laqabtay ninkii dilka u geestaay waxaana geeridiisu ay dhalisay ciladhaan dhan aan loo kala harin.

Idale News Muqdisho