Wararka naga soo gaarayo Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi isku dal dalay Askari katirsanaa Ciidanka Maamulka Somaliland balse dhawaan shaqada laga ceyriyay.
Askariogan Is dal dalay ayaa Magaciisa lagu sheegay Gureey Ciiro waxa uuna katirsanaa Ciidanka SPU-da ee Somaliland iyadoona aan wali si rasmi ah loo ogeyn waxa ku kalifay Askarigan in Noloshiisa uu ku qamaaro.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ninkan uu horey uga Tirsanaa Ciidanka Somaliland balse shaqada laga ceyriyay si KMG ahna u helay Shaqo kale oo la xiriirta in uu ilaaliye u noqdo Hay’adaha Ajaaniibta ee Somalilnd taa oo iyana ugu dambeyn laga ceyriyay.
Askarigan ayaana kunoolaa Xarunta CID-da uu jiifdsan jiray iyadoona Maanta la arkay Askarigan oo ka laad laada geed kuyaala Gudaha Xarunta CID-da qoortana uu xarig uga xiran yahay sidaana isku dal dalay sida goob joogayaal ku warameen.
Markii loo gurmaday Askarigan Meydkiisana geedka laga soo furay ayaa jeebkiisa waxaa laga helay Warqad uu qoray uu ku sheegay in isaga uu is dilay cidna loo raacan Dilkiisa xiliga uu falkaana ku dhaqaaqayay uu miirkiisa ahaa mid taam ah.
Hadal heynta Magaalada Hargeysa ayaa saakay ah is dal dalaada Askarigan katirsanaa Ciidanka Somaliland naftiisa u geestay iyadoona dadku ay hadal hayaan waxyaabo kala duwan ee u sababaeenayaan in ee keentay in Askarigan uu is dal dalo.
Idale News Muqdisho