Tokyo(INO)- Nin mindi ku hubeysnaa, ayaa weeraray xarun lagu daryeelo dadka naafada ah, iyadoo uu ku dilay 19 qof, halka 26 kalana uu ku dhaawacay.
Weerarkan, ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Sagamihara, oo dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Caasimadda ah ee Tokyo.
19-ka qof ee weerarkaasi lagu dilay, ayaa waxaa 10 ka mid ah lagu sheegay inay rag yihiin. Dhammaan dadkaasi waxay da’doodu u dhaxeysay 18 illaa 70 sano.
Shaqaalaha Xarunta Tsukui Yamayuri En, ayaa Ciidamada Booliska ku wargeliyay in nin mindi ku hubeysan uu soo weeraray Xaruntaasi.
Ninkan oo magaciisa ay Warbaahinta Japan ku sheegtay Satoshi Uematsu, ayaa isu soo dhiibay Ciidamada Booliska. Faah faahin badan lagama haayo sababta uu dadkaasi u laayay.
Weerarkan oo dhacay aroornimadii hore ee saakay, xilliga Japan, ayaa dareen argagax leh ku reebay shacabka reer Japan, iyadoona ay dadku isweydiinayaan baahida ku khasabtay in uu laayo dadka naafada ah.
Warbaahinta Japan, ayaa qoreysa ninkan oo 26 jir ah in uu horey uga shaqayn jiray Xarunta uu dadka ku laayay. Warbaahinta Japan waxay intaa ku dartay in ninkani uu ku qaylinaayay “Dadka naafada ihi ha baaba’aan.”
Nin ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in 26 jirkaasi uu boorsada dhabarka lagu qaato ku watay mindiyo, gacantuna uu ku haystay mindi dhiig leh.