Dhageyso:Shariif Xasan oo qiray in maamulkiisa uu ka jiro Garsoor aan cadaalada la waafajin

0
641

Baydhabo(INO)- Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay qaabka uu u shaqeynaayo Garsoorka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxa uu sheegay inay soo gaaren cabashooyin badan oo ku aadan qaabka loo maareeyo Garsoorka maamulka waxa uuna ku baaqay in Garsoorka loo bedelo mid cadaalada waafaqsan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu sheegay in dadka shacabka ah ay u baahanyihiin Garsoor hufan oo laga ilaalshay cadaaladarida waxa uuna ka digay in Garsoorka loo isticmaalo qaab qaldan oo niyad jabinkarta shacabka.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in kalsooni badan uu ku qabo in Hay’adaha Garsoorka ay si cadaalad ah ugu adeegaan bulshada, gaar ahaa waxa uu amaanay Gudoomiyaha Maxkmada Sare ee Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay in  Koonfur Galbeed uu mar walba ku dadaalayo sidii Qof walba uu uheli lahaa cadaalad sax oo cidna aan laga xigsan doonin.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Shariif Xasan ayaa shacabka ku hoos nool maamulkiisa ugu baaqay inay is dajiyaan islamarkaana niyadda galiyaan inaan dhici doonin xadgudub danbe.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay