Maamulka Shabellaha Hoose oo sheegay in is bedel laga dareemayo deegaanadii Al-Shabaab lagala wareegay

0
218

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa shaaca ka qaaday in is bedel uu ka jiro deegaanadii dhowaan lagala wareegay Al-Shabaab ee gobolkaas, iyagoo cadeeyay in dadka deegaanka ay dareemeen neecaaw nabadeed.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in xaalada amaan ee gobolka ay tahay mid degan, isla markaana culeyskii saarnaa dadka ku nool Janaale, Awgdheegle iyo tuulooyinka kale laga dul qaaday.

“Dadka neecaaw ayay dareemeen, banaanka u soo baxeen, culeyskii saarnaa waa laga dulqaaday, haweenka banaanka u soo baxeen, dadweynaha beerahooda tacbanayaan, nimankaas nabad diidka ahaa waa laga xoreeyay”ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa todobaadkii hore la wareegay deegaanada Janaale, Awdheegle iyo Bariire, halkaasoo ah deegaano ku caan ah wax soo saarka beeraha.

Al-Shabaab ayaa gacantooda ka sii baxaya deegaano muhiim ah oo ay muddo sanado maamulayeen, iyadoo xilligan ay wajahayeen dagaalo saf ballaaran oo dhinacyo kala duwan uga imaanayay.

Idale News Muqdisho