Somaliland Oo Dil Toogasho Ku Xukuntay 8 Nin

0
319

Hargeysa(INO) Maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliland ayaa goor dhow ku xukuntay siddeen dil toogasho,sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda Koroneyl Yuusuf Faarax Sharma’arke.

Raggaan waxaa lugu helay in ay rasaas kuwada rideen oo ay dileen taliyihii qaybta boliiska gobolka Saaxil ee Berbera gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf labadii bishii saddexaad ee sanadkan.
Dilkaasi ayaa ka dhacay bariga berbera, dhamaan dadka dilkaas loo xukumayna waxay ka soo jeedaan isla Berbera.

Koroneyl Sharma’arke guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee derejada kowaad,waxaa kalo uu sheegay in maxkamadda ay xukun ku ridey siddeed nin oo kale oo isla degaankasi ka soo jeeda lagu xukumay midkiiba todoba sano oo xarig ciidan ah, iyagoo weeraray tuulada ceel-garde sanadkan horaantiisii.

Qareenka difaacayay dadkan lagu xukumay dilka iyo xabsiga dheer garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi ayaa xukunkan ku tilmaamay mid cadaaladda ka fog oo siyaasadaysan.

Wuxuu hadalkiisa ku xoojiyay in dadkan oo dhammaan rayid ah ah aanay maxkamad milleteri sharci u lahayn inay qaaddo dacwadooda, qareenku wuxuu sheegay in ay maxkamadaha sharciga u leh u qaadanayaan Rafcaan.

Dacwadda raggaan loo heystay dilka taliyihii qaybta boliiska gobolka Saaxil ee Berbera ayaa muddooyinkan socotay,waxaana soo baxayay baaqyo ku aadan in xukunkooda la marsiiyo ragga dambiga loo heystay.

Dhinaca kale,Magaalada Hargeysa saddex caruur ah oo walaalo ah ayaa ku dhintay kaddib markii uu dab qabsaday gurigii ay deganaayeen,Sabtidii shalay iyadoo Aabahoodna uu dhaawac helis ahi ka soo gaadhay dabkaasi.

Taliyaha guud ee ciidanka Boliiska Somaliland General Cabdillaahi Fadal iimaan ayaa warbaahinta u sheegay in saddexda caruurta ah oo ka ugu da’da weyni uu ahaa 12 sano ayna kala ahaayeen labo gabdhood iyo wiil.

Taliyuhu wuxuu sheegay in dilka caruurtaasi lagu eedeynaayo aabahood oo maskaxda ka jiran, kaas oo la sheegay in uu guriga isku soo qufulay osaka oo ay caruuru weheliyaan uuna dab qabadsiiyay.

Ugu dambeyntii Ciidamada booliska ayuu sheegay taliyaha inay baaritaan ku hayaan shikaas naxdinta leh.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo

 Email: Idalenewsonline@gmail.com