Daawo Sawiro:Ciidamada Nabad Suggida oo Muqdisho ku qabtay gaari Qarax laga soo buuxiyay

0
382

Muqdisho(INO)- Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed, ayaa Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxa ay ku qabteen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Gaarigaan oo noociisa uu yahay NOHA, ayaa laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo biro kala duwan oo loogu talo galay, gaariga marka uu qarxo inay laayaan dadka shacabka ah.

Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdulle Xasan oo la hadlay Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegay xogo dadka deegaanka laga helay in lagu ogaaday gaarigaan.

Wuxuu sheegay dadka deegaanka inay ka shakiyeen gaariga, kadibna ay ku wargeliyeen Hay’adaha ammaanka Dowladda.

“Dhibaato ayay u maleegayeen dadka masaakiinta ah, waad ujeeddaan gaariga waxaa laga helay Fuusto ay kabuuxaan aaladaha qarxa, Haamo, Jawaano biro iyo boolal laga soo buuxiyay RPJ iyo qoryo.”Ayuu yiri Mudane Qaasim

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida ayaa ku guuleystay in gaarigaasi laga furo dhamaan waxyaabihii qarxay ee saarnaa.

Hay’adaha ammaanka cidna kuma ay soo qaban gaarigaasi, oo kaliya waxaa suuragashay gaariga oo meel banaan ah yaalo ciidamada inay qabtaan.

Qaraxa gaarigaan ciidamada ay qabteen ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Casir liiqii Muqdisho uu ka dhacay qarax gaarigiisa loogu xiray Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo xubin ka tirsan Golaha Majmaca Culimada Somaliyed.

Qaraxa 1Qaraxa 2Qaraxa 3Qaraxa 4Qaraxa 5Qaraxa 6Qaraxa 7Qaraxa 8Qaraxa 9Qaraxa 10Qaraxa 11