Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shacbiga Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee geerida Malaaq Maxamuud Xasanoow Macalin oo ahaa Malaaqa beesha Leysaan.
Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri :- “INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN, waxaan shacbiga Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee Malaaq Maxamuud Xasanoow Macalin oo ka mid ahaa odayaal dhaqameedyadii gacanta weyn ka geystay in dalka uu ka gudbo KMG”
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Alle uga baryey in marxuumka uu siiyo naxariistiisa jano islamarkaana eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed uu ka siiyo samir iyo Iimaan.
Allaha u naxariistee Malaaq Maxamuud Xasanoow Macalin oo ahaa malaaqa beesha Leysaan waxaana uu ku geeriyooday maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
—-DHAMAAD—-
Idale News Muqdisho