Munaasabad loogu dabaal dagayay sanad guuradii 51 aad ee Ciidamada badda Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ciidamada Badda ayaa maanta u dabaaldegay Toddobo Doonyood oo ay ciidamadu saaranyihiin iyo cutubyo ka tirsan ciidamada Badda oo Gaardinaya ayaa ka qeyb qaatay dabaal degga oo ka dhacay Sugunto Liido oo ay ku sugnaayeen wasiiro ka tirsan xukuumadda, Saraakiisha ciidamada Qalabka sida iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Taliyaha ciidamada Badda Admiral Faarax Axmed Cumar “Qare” oo khudbd ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in ciidamadu ay soo mareen shan sano oo ay ku dhisnaayeen duruuf adag maantana ay marayaan heer lagu tashan karo haddii loo helo qalabka ay u baahan yihiin.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/kaiin Maxamud Xaaji Fiqi ayaa khudbad uu jeediyay ugu hambalyeeyay ciidamada munaasabadda isagoo caddeeyay in xalka kaliya ee loo heli karo dhibaatada ka jirta xeebaha Soomaaliya ee ay ku jiraan Burcad badeedda uu yahay in la dhiso lana tayeeyo ciidamada Badda Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay dib u dhis ku sameyn doonto ciidamada Badda Soomaaliyeed afarta sano ee soo socota si ay u soo celiyaan Ammaanka xeebaha dalka.
Dabaal degga Waxaa sidoo kale Khudbado ka jeediyay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Shariif Sheekhuna Maye iyo Abaanduulaha ciidamada XDS Generaal C/kariin Yuusuf Adan Dhegabadan, kuwaas oo ciidamada Badda ugu hambalyeeyay munaasabadda kuna amaanay taliska iyo askartaba duruufaha adag ee ay ku shaqeynayaan.
Idale News Muqdisho