DEG DEG:Qarax Khasaaro Geystay Oo Kolonyo AMISOM ka tirsan Lagula Eegtay G/Sh/Hoose

0
292

Marka ( INO)-Kolonyadani oo ay la socdeen Askar ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayay ayaa waxaa Qarax khasaaro geystay lagula eegtay nawaaxiga deegaanka Ceelwareegow oo qiyaastii 30 Km u jira Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Gaari nuuca Booyada ah uu uga basbeelay Ciidamada AMISOM Qaraxaasi.

Intaas kadib ayaa Ciidamada AMISOM rasaas ay fureen waxaa ku dhintay 2 qof oo shacab ahaa halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Kolonyada Ciidamada AMISOM ee la weeraray ayaa la sheegay in ay ka soo ambabaxeen degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Marka laga soo tago in Gaari nuuca booyada ah looga gubay Qaraxa Ciidamada AMISOM , Ma cadda haddii ay jiraan khasaarooyin nafeed oo ka soo gaaray weerarkaas iyo inta uu la egyahay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Howlgalka AMISOM oo ay uga hadleen Qaraxaasi khasaaraha geystay iyo dadka shacabka ah ee Rasaastooda haleeshay.

Ugu dambeyntii, Waxaana sidoo kale jirin cid sheegatay Masuuliyada Qaraxaasi walow Al Shabaab weeraro nuucaasi ah horay Gobolka Shabeelaha Hoose kula qaadeen Kolonyo Ciidamada AMISOM ay wateen.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.