Garbahaareey ( INO)-Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa sheegay in aysan aqbali doonin duqeymaha aan loo aabo yeelin ee Ciidamada AMISOM ay ka fuliyaan deegaanada Gobolkaasi Gedo.
Waxa uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM looga baahan yahay inta aysan duqeymahooda geysan ay kala tashadaan maamulka Gobolkaasi Gedo si ay uga tala qaataan meelaha ku haboon duqeymahaasi.
“ Weli wey wadaan duqeymahaasi Ciidamada Kenya ee ay ka geysanayaan deegaanada Gobolka Gedo” ayuu yiri Maxamed Xuseen Al Qaadi.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa qiray in duqeymahaasi Ciidamada Kenya ay dad shacab ah ku dhibaateeyaan ayna kala hadleen laakin weli aanu jirin wax laga qabtay.
Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa duqeymo ka geysta Gobolka Gedo iyagoo seegaya in ay Bartilmaamsanayaan Dagaalamayaasha Xarakada Al Shabaab.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.