Daawo Sawiro:Weerarkii magaalada München oo lasoo afjaray iyo 9 ruux oo ku dhimatay

0
334

municha
Jarmal(IN)-Waxaa lasoo afjaray weerarkii shalay ruux hubaysan uu ku qaaday goob ganacsi oo ku taal magaalada München ee dalka Jarmalka.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 9 ruux, waxaana ku dhaawacmay 16 kale, sida ay xaqiijiyeen booliska magaalada München.

Ruuxa weerarka fuliyay ayaa lagu sheegay in uu ahaa 18-jir kasoo jeeda dalka Iran balse haysta dhalashada Jarmalka.

Weerarka kaddib ayuu is-toogtay ruuxan, waxaana meydkiisa laga helay meel u jirta 1 km goobta uu weerarka ka fuliyay.

Booliska ayaa baaraya ujeedka ka dambeeya weerarkan, balse ilaa iyo iminka wax cadeymo ah ma hayaan.

Weerarkan ayaa bilowday shalay casar-liiqii, waxaana lagu dhawaaqay in lasoo afjaray abaarihii kowda habeenimo.

munich7

munich8

munich2

 Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.