Wasaaradda Gaashaan Dhigga Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Baaq u Dirtay Ajaaniibta ka Bar Bar Dagaalanta Dagaalyahanada Xarakada Shabaab

0
221

Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Xaaladda ammaan ee Dalka Soomaaliya haatan ka jirta.

Wasiirka ayaa sheegay in xaaladda ammaanku ay tahay mid soo hagaagaysa isla markaana ay jiraan meelaha qaar weli Dagaalo ka soconaya.

dagaaladaas ayuu Wasiirku sheegay in ay yihiin kuwo ay Dabada ka soo Riixayaan dad ajaaniib ah isagoona ka digay in Ajaaniibtaasi ay sii wadaan dagaaladaas.

Cabdixakiim Wasiirka ayaa ugu baaqay Ajaaniibta ka bar bar dagaalamaysa Dhalinyrada Shabaab in ay Dalka isaga baxaan haddii kale Dawladda Federaalku ay ku qaadi doonaan dagaalo ay ku qasbayaan in ay Dalka isaga baxaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaan Dhigga ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dhinaca kale Dhallinyarada Soomaalida ah ee weli u dagaalamaysa xarakada Shabaab ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan Cafisyadii is daba joogga ahaa ee ay xukuumaddu u fidisey kuna soo biiraan shacabkooda.

Fiqi ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaalida ah ee weli u dagaalamaysa Shabaab in ay isaga soo baxaan isla markaana fursadaha ay Xukuumaddu u fidinayso ka faa’ideystaan isagoona xasuusiyay in wax faa’iida ahi aysan ugu jirin in ay la dagaalamaan walaalahooda.

Dhallinyaradaas ayuu Wasiirku sheegay in maskaxda laga xaday isla markaana alaga dhaadhiciyay fikrado laga soo guuriyay meelo kale taasoo caqiida ahaan loo tusay

hadalkan ka soo yeeray wasaaradda gaashaan Dhigga dawladda federaalka Soomaaliya ayaan ahayn kii u horeeyay iyadoo tiro ka dhowr jeer Mas’uuliyiinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya ay baaq sidan oo kale u soo jeediyeen Dagaalyahanada Ajaaniibta iyo iyo waliba kuwa Soomaalida ah iyadoona loo fidinayay Cafisyo iyo is daba joog ah.

 

Idale News Muqdisho