Kenya oo laga Cabsi Qabo in la saaro Cunaqabateyn Caalami ah hadii Shacabku doortaan labo Musharax Midkood

0
244

Dowlada Kenya ayaa Wajaheysa Cabsi xoogan ee ka qabaan in la saaro Cunaqabateyn adag oo dhinacyo badan kaga timaada hadii Doorashada loo madalsan yahay in ee dhawaan dhacdo lagu soo doorto labo kamid ah Musharaxiinta u taagan Doorashada Dalkaasi.

Waxaa jirta cabsi iyo caqabado kale oo ku aadan in dalka Kenay lagu soo rogo cunaqabatayn hadii musharaxa madaxweynimo Jubalii Uhuru kenyaatta iyo ku xigeenkiisa Wilyam Rutto ay ku guulaystaan doorshaada soo socota.

labadan musharaxa ayaa waxaa ay tartan xoogan kula jiraan Raiisal wasaaraha Dalka Kenya Raila Odinga,waxaana wali ay su’aal ay ka taagan tahay cida ku guulaysan karta tartanka madaxtinimada dalkaasi.

Ra’yi aruun maalmo kahor la soo saaray ayaa muujinaysa in R/Wasaare Raila oo tiro aad u yar uu ku hogaaminayo isbahasiga Uhuhuru Kenyaata ee Jupilee.

labadan musharax Uhuru iyo wilmayn waxa ay ka balan sanyihiin maxkamada Dambiyada Caalamiga ee ICC-da iyagoo wajahaya dacdawo la xariro dambiyo ka dhan ah bini’aadinimada iyo tacadiyo ee geesteen Doorashadii hore oo dad badan ku dhinteen.

Diblomaasiyiinta qaar ayaa sheegaya in Dowlada Kenya ay wajahi doonto Cunaqabateen dhaqaale iyo mid qaanuun hadii dowlada ay soo dhisaan isbahaysiga Jubalee ku guul daraysto in ay la shaqeeyaan Maxkamada Caalamiga ee ICCda.

Idale News Muqdisho