Duuliye ka tirsanaa ciidamadii Cirka Soomaaliya oo ku baaqay in dib loo soo nooleeyo awoodii ciidamada Cirka

0
237

Sarkaal ka mid ahaa duuliyayaasha ciidamada Cirka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda in ay mudnaanta siiso dib u dhiska ciidamada Cirka Soomaaliyeed.

Duuliye Nuur Aadan Nuur  oo ka mid ahaa ciidammadii cirka ee dowladdii dhexe ka hor inta aysan bur burin oo maanta wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay qiimaha iyo awooddii ciidammada cirka Soomaaliya iyo  waxyaabaha lagu xasuusto ciidammadaasi.

Duuliye Nuur Aadan Nuur ayaa xusay in ciidamadu ay tar balaaran u leeyihiin difaaca dalka iyo dadka,  isagoo ugu baaqay  in dowladda Soomaaliya ay qaadato go’aan rasmi ah oo lagu soo celinayo ciidammadaasi oo awooddoodi leh.

Dhinaca kale waxa uu baaq kale u jeediyay duuliyuha qubaradii ciidammada iyo sidoo  kale  saraakiisha  hadda ka joogtay meel walba oo ay dunida uga sugan yihiin in ay ka qeyb qaataan dhismaha ciidammada gaar ahaan kuwa cirta oo ahmiyad weyn u leh amniga iyo guud ahaan awoodda dowladeed ee Soomaaliya in la dhiso ciidammadaasi.

Ciidammada cirka Soomaaliya waxaa la aas aasay 15-kii Feberaayo sannadkii 1960, xiligaas oo ay ahaayeen ciidammada ugu horeeya Africa, maadaama ay waqtigaasi ku howlgali jireen Qalabka ugu casri san ee adduunka, waxaana haddii dib loo helo ciiammadaasi Soomaaliya ay mar kale dib ugu laabaneysaa kaalintii ay berri hore uga jirtay gobolka oo dhan.

 

Idale News Muqdisho