DEG DEG: Al-shabaab Oo Gubtay Masjid Lagu Cibaadeysanayay oo Ku Yaalla..

0
504
Muqdisho (INO)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay gubeen Masaajid, Ceelal iyo Matooro kuwaasi oo ku yaalla Degaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Masaajidka iyo Ceel biyoodka ay maleeshiyada Qarxisay ayaa waxaa isticmaali jiray dadka Degaanka oo iyagu ku mideysnaa halkaasi Masjid iyo ceel biyood.

Maleeshiyaadka ayaa masjidka ku dhex gubay Kutubo iyo dhammaan agabkii yiilay waxa ayna sidoo kale gubeen matooro lagu isticmaalaayay ceelka iyo kuwo keyd u ahaa.

Dadka deegaanka waxa ay sheegen in maleeshiyaadka ay kala kulmeen hanjabaad iyaga oo tilmaamay inay qoorta ka jari doonaan waa haddii ay u dhawaadan Masjidka iyo ceelka.

Degaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa iminka ka jira xiisad kacsan waxaana halkaasi dhibaato xoogan kawada maleeshiyaadka Al-shabaab.

Geesta kale, Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaayo ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud,iyadoo la sheegay in ay Qorsheynayaan Gacan ku dhigida Degaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.