Wararka ka imaanaya degmada Cadale ayaa sheegaya in Iska hor imaad u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Xoogag ka tirsan Al-Shabaab uu ku dhex maray deegaan ka tirsan degmadaas.
Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaadkan ayaa ka dhashay qasaarooyin kala duwan, iyadoo Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe uu ka hadlay.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in iska hor imaadka uu ka dhacay deegaanka Xagarey, halkaasoo dadka deegaanka ay dhibaato ku qabeen Al-Shabaab.
“Meesha dagaalka ka dhacay waa Xagarey, runtii dhibaato ayay dadka deegaanka ku qabeen Al-Shabaab oo cadaadis ku hayay, waxayna goosteen inay la dagaalamaan”ayuu yiri Mr Ciiro.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in ugu yaraan hal ruux uu ku dhintay, halka todobo kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa dagaalo culus kala kulmaya Ciidamada dowladda oo taageeraya kuwa AMISOM, waxaana maalmo ka hor lagala wareegay deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose.
Idale News Muqdisho