Hayeeshee Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Sandheere ayaa nasiib xumo ku tilmaamay in khilaaf laga dhex abuuro dad walaalo ah ooh al u jeedo ah wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan dhici doonin kuraasta Galmudug taalo oo beel ahaan ay madasha uga heleen inaysan cidna qaadi Karin isagoo sheegay in madasha ay horay u qoondeeysay iyaguna ay soo dhaweyeen ama ay ayidiin heshiiskii madasha
Sandhere ayaa sheegay kuraasta halaga qaado Galmudug in micnaheedu ay tahay inaysan deegaanku daganeyn isaguna uu yahay Mudane kasoo jeeda deeganada Galmudug waa sida uu sheegay.
Wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta u ololeyneysa in kuraasta taalo Cadaado ee la geeyo Kismaayo ay tahay Ayaan daro ayna wataan siyaasiyiin dano gaar wata oo kahor imaaneysa siyaasada reerka balse uu sheegay in isku daygaas aan laga aqbali doonin.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.