Daawo Sawiro: 1,891 Ciidamo Burundi Ah Oo Ka Tirsan AMISOM oo Ku Laabtay Dalkooda

0
446

Muqdisho(INO) — Laba Guuto oo ka Tirsanaa Ciidamada AMISOM ee ka Socda Dalka Burundi ayaa dib ugu laabtay dalkooda, kaddib markii ay dhameysteen Hawl-galkoodii Soomaaliya oo ahaa hal sanno.

Dufcadii koowaad oo tiradoodu ahayd 1,891-askari ayaa ka dhoofay Magaalada Muqdisho Khamiistii la soo dhaafay, iyadoo Dufcadda kalena ay ka Dhoofi doonaan Somalia Toddobaadkan gudihiisa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska AMISOM ee Soomaaliya.

“Xiriirka naga dhexeeya innaga iyo ciidamada dowladda Somalia wuxuu ahaa mid wanaagsan, waayo waxaan is-dhaafsan jirnay warbixinnada la xiriira Al-shabaab oo cadowgeenna ah. Sidoo kale xilliga aan roondooyinka ku jirno waxaan ahayn kuwo wadajira, waxayna ciidanka Soomaaliya naga caawin jireen dhanka Luuqada; gaar ahaan sidii aan ku fahmi lahayn hadallada shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena waxay noo sheegi jireen magacyada deegaanada aan Hawl-gallada ka sameynayno,” ayuu yiri taliyaha guutada 32-aad ee ciidamada Burundi,  Mijir John Manirakiza.

Sidoo kale, Taliyaha guutada 32-aad ee ciidanka Burundi Mijir Richard Nikoyagize oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadan hawshoodu u dhamaatay ay dhaqan-wanaagsan muujiyeen intii ay Somalia ka hawl-galayeen.

Dalka Burundi ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, Waxayna ka hawl-galaan deegaanno ay ka mid yihiin; Ceel-baraf, Mahaaday, War-sheekh, Balcad, Qoryooley iyo deegaanno kale. Sidoo kalena waxay qayb ka yihiin Ciidamada ka hawl-gala magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ugu dambeyntii, Ciidamada Burundi – ayaa waxay deegaannada ay ka Hawl-galaan waxay ka fuliyaan Mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin; Bixinta Daawooyinka ay Shacabku u baahan yihiin, Biyo iyo gargaarro kale.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.