Somaliand oo sheegtay in ay Maxkamad soo taageyso Xildhibaan Puntland ka tirsan

0
310

Baran ( INO)-Col Saalax Xirsi Dhagasool Taliyaha Ciidamada maamulka Soomaaliland ee Gobolka Sanaag oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan Maxkamad la soo taagaayo ku dhawaad 10 Maxbuus oo uu ku jiro Xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland kaas oo lagu Magacaabo Maxamed Aadan Canjeex.

Xildhibaankaasi ayaa lagu qabtay Dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Dahar oo hoostaga degmada Baran ee Gobolka Sanaag.

Dhegasool ayaa hoosta ka xariiqay in Xildhibaanka iyo Maxaabiis kale ay u gudbiyeen Garsoorka maamulka Soomaaliland si sharciga loola tiigsado.

Ugu dambeyntii, Gobolka Sanaag ayaa indhawaanahaan waxaa ka taagnaa xiisad xoogan oo u dhexeysa maamullada Soomaaliland iyo Puntland.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.