Dhageyso+Sawiro: Mas’uuliyiinta Degmada Baydhabo Oo Xaliyey Khiaaf Ka Jirey Kaamka Abow Asharow

0
416

Baydhabo(INO)- Mas’uuliIyin ka tirsan Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa waxay dhawaanahan ku howlanayeen Habeynta iyo Xalinta Khilaaf Ka taagaanaa Kaamka Barakacyaasha Ee Abow Asharow ee Magaalada Baydhabo, iyagoona Maanta Labo ka dhigay Kaamankaa isla markaana waxa arintaa soo dhaweeyey Dadka Barakayaasha ee Ku Jira Gudaha Kaamkaas.

Gudoomiye Ku Xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Baydhabo Mukhtaar Sharma’arke Cabdi (Garas) iyo Gudoomiyaha dhanka Siyaasadda iyo Amniga ee Degmada Aaden Cali Aaden oo Warbaahinta ka hadley Gudaha Kaamka Abow Asharow ayaa waxay sheegeen in labo qiibood ay ka dhigeen, Waxayna Gudoomiye Looga dhigey Cali Maxamed isaaq.

” Dadkii ayaa isku batey, waxaan go’aansanay in kaamkii Abow Asharow aan ka dhigno Abow Asharow 1 iyo 2, Waxaan hay’adaha samafalka ugu baaqnaa inay dadka la soo gaaraan gargaar deg deg ah” ayey yirahdeen mas’uuliyiinta.

Xaawo Mad Caliyow oo ah Maamada leh dhulka Ay degan yihiin barakacyaasha Kaamka Abow Asharow 2 ayaa sheegtey inay raali ka tahay in dadka ay sii deganaada Dhulkeeda.

Ugu dambeyntii dadka Barakacyaasha ee Ku jira Kaamka Abow Asharow 2 ayaa dalbadey in lala soo  gaaaro Gar gaar Deg deg ah, isla markaana waxay xuseen inay dhibaato bini’aadanimo ay ka jirto Gudaha Kaamkaas.

Halkan Ka Dhageyso.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.