Baydhabo ( INO)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Koofur Galbeed Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan ( Cabdiraxmaan Sate ) oo la hadlay Warbaahinta ayaa beeniyay in Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ay dileen dad rayid ahaa oo ku sugnaa Tuulada Wardiinle ee Gobolka Bay.
Mr Sate ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopian-ku ay weerareen Daagalamayaal hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugnaa Tuuladaasi , dadka shacabkana ay ka ag dhawaayeen meesha lagula dagalamayay Al Sahabab khasarahana ay kala kulmeen dagaalkaas sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan halkan uga tacsiyaynayaa dhamaan shacabkii Soomaaliyeed ee halkaasi ay dhibaatadu ka soo gaartay ,dhibka dhacay-na waxaa sabab u ahaa nimankaa nabadiid-ka ah ee UGUS ” ayuu yiri wasiirka oo wax laga xumaado ku tilmaamay in tiro intaa la eg ay hal meel ku geeriyoodaan.
“Dadka masaakiinta ah ee odoyaasha deegaanka u badan ee halkas ku dhintay waa ilaa iyo 14 Qof balse qolooyinka halkaa lagula dagaalamay ee UGUSTA ahna waxaa ka dhintay ilaa lix qofood ,waxaana ka dhaawacantay ilaa iyo 7 dagaal-yahan ” ayuu mar kale yiri wasiir Cabdirixmaan.
Mas’uulkan ayaa tilmaamay in odayaasha geeriyooday lagu dul dagaalamay ,isla markaana ay jiraan xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo dib isugu aruursanaya deegaano ku dhow-dhow halka ay arintani ka dhacday.
Wasiirka ayaa si cad u sheegay in goobta lagu dilay odayaasha ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ,isla markaana is-rasaasayn labada dhinac dhex-martay ay sababtay geerida 14-ka qof oo isugu jiray culumaa’idiin iyo odayaal dhaqameed si weyn looga ixtiraamo gudaha gobolka Bay.
Sida dadka deegaanka ay IdaleNews.com u xaqiijiyeen dhawaan Ciidamada Ethiopia ayaa si bareer ah Culumo Qur’aan Aqris ku guda jiray waxa ay ku laayeen deegaanka Wardiinle ee Gobolka Bay.
Ugu dambeyntii AMISOM ayaa sheegtay in ay baaritaan ku heyso dhacdadaasi taas oo maamulkii masuulka ka ahaa shacabka deegaanadaasi ee Koofur Galbeed ay difaaceen Ciidamada falka in ay geysteen la sheegay.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.