Dhageyso+Warbixin Ku saabsan Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Xaaladeeda Iyo Amaankeeda

0
461

Waajid(INO)-Waxaa Sii Adkaaneysaa Xaaladihii Ay Kujireen Shacabkii Ku Nolaa Degaanadaan Iyo Degmooyinka Ka tirsan Goboladaan Bay Iyo Bakool Gaar Ahaan Gobolka Bakool Tan Iyo Markii Ciimada Dowlada Faderaanka Soomaliya Iyo Ciidamada Itoobiya Markii Ay La waregeen Goboladaan La isku Yiraado Koonfur Galbeed Soomaaliya Kana Sareen Urarka Al Shabaab Ayaa Waxaa dadka Goboladaan ku nool Ay La Kumeen Cuna Qabateen Aad udaran.

Shacabkii Qaar Ee Ku Noolayeen Meelaha Aadka Usameyey Gudoonka Ayaa Waxaa Ay Ka baraKaceen Goobahii Ay Ku Sugnayeen Si Ay U Helaan Nolal Midaasi Ka Sii Duban Ayigoo Ka Sii Ordaaya Hantadii Maguurtada Ahaa Ee Ku La hayeen Deganadii Ay Ku Sugnayeen.

Shacabka Hada Ku Nool Magalooyinka Gudoomiyey Urarka Al Shabaab Ayaa Waxaa Ay La kulmaan Dhibaatooyin Kala Duwan Sida Caafimaad daro, Waxbarasho La’an Iyo Waxyaabo Kale Ee La xiriira dhanka Iyo Nolasha.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Waxaa Uu Ka Armiyaa Gobolada aay Bakool Iyo Shabeelaha Hoose Inta Badana Waxaa Uu Xooga Saarey Sii Degmo Kasta Iyo toolo kasta Oo Ka tirsan KGS Uu u yeenlan haa Ciidamo Ka tirsan KGS Hada Degmooyin KG Waxaa Ku Sugan Ciidamo Ay Ka tirsan KGS Waxaa Ay Wehliyaan Ciidamada Dowlada Faderaanka Soomaaliya Iyo Ciimada Midowga Afrika Ee AMISOM Kuwooda Itoobiya Oo Ay Dalka Somaliya Ujoogaan Nabad Ilaalin Hada Majirto Degmo Ama Magaalo Oo Siibad Ah Ay Gacanta Ay ugu Hayaan.

Degamada Waajid Ee Gobolka Bakool Waxaa Ay Ka mid Tahay Degmooyinka Ay U Godoonsan tahay Urarka Al Shabaab In Mudo Ah Saameyeyna Shacabkii Halkaani Ku Nolaa Wadooyinkana Majiraan Wax Dhaqdhaqaaq Ah Waxaa Laga Mamnuucey Gawaridii Ay Galayeen Ama Kabaxaayey Waxaa jirey Marar Qaar Oo Raashiinka Si Dhuumasho Ah Lagu Geenayo Oo Lagu Qaado Saxaarada Dameerka Waxana Ku Geenjirey Dadka Degaanka.

Intii Degmadaasi Gudoonka Saarnaa Dad Badan Ayaa Isku Deyey In Ay Wax gaarsiyaan Inta Udhaxeyso Degmada Baydhabo Iyo Waajid Oo Ay Isu Jiraan 90KM Ayaa Waxaa Halkaasi Ku Naf Waayey Dad Iyo Duunyo Oo Marayey Wadadaasi.

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Cadow Cabdiraxmaan Jugle Ayaa Waxaa Uu Ka hadley Xaalada Degmadaasi Waxaan Uu Shegey in Xaalada Ay Tahay Mid Adag.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Degmada Waajid Inaysan Kajirin Adeeg Bulshadeed Cafimaadka Iyo Waxbarashada Shacabkana Ay U Baahan Yihiin In Ay Helaan Waxbarasho Ku filan Loona dhiso Iskuulaad Iyo Dugsiyada Lagu Barto Qur’aan Kariimka, Sidoo kale Waxaa Uu Sheegey In Dhibaatada Ugu Badan Ay Tahay Degmadana aan Laheen Dhanka Iyo Xarunmaha Cafimaadka Maadaama Caafimaadka Uu Yahay Wax Aan noolaha uga Maarmi Karin Shacabka Ku nool Waajid Ayaa Ah Dhibka Ugu Horeyo Ee Heysto Caafimadarada Ka Jirta Halkaasi Marar Badanna Dadka reer Waajid Ay Udhinteen Daawo La’aan Ha U Badnadeen Dhanka Iyo Haweenka Marka Ay Jogaan Xiliga Dhalmada.

Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Wadada Ugu Horeyso Oo Muhiimka Ah Furayaan Ay Tahay Wadada Wada Xiriiriso Waajid Iyo Baydhabo Oo Ay Isu Jiraan 90KM Gudoomiyaha Ayaa Waxa Uu Sheegey Furitaanka Wadadaasi In Ay Wada Furikaraan Ciidamo Kasoobaxa Magalada Baydhabo Iyo Kuwa Degmada Waajid.

Gudoomiye Kuxigeenka Waajid Ee Bakool Cadow Cabdiraxmaan Asigoo Hadalkiisa Sii wadta Ayaa Waxaa Uu Sheegey Meesha Kaliya Ee Wax Kasoo Laga Waajid In Ay Aheed Magalada Buurdhuxunle Oo Ay Isu Jiraan 30KM.

Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Magaladaasi Hada Ay La waregeen Ciidamo Ka tirsan Urarka Al Shabaab Kadib Markii Magalada Buurdhuxunle Ay Baneyeen Ciidamada Dowlada Faderaalka Soomaaliya Iyo Ciidamada Booliska Gaarka Ah Ee Koonfur Galbeed Somaliya Ay Garab Ka helayaan Ciidamada AMISOM.

Halkan Ka Dhageyso warbixinta

W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)

Xafiiska Magalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.