Qarax xoogan ayaa xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, kadib markii labo ruux oo sida la sheegay aasayay ay markii dambe iyaga ku qaraxday.
Sida ay sheegayaan wararka qaraxan oo ahaa miino ayaa ragii aasayay ku qaraxday agagaarka garoonka weyn ee Gaarisa Primary School, waxaana saaka isugu soo baxay dadweyne fara badan oo daawanayay dadka ay miinada la kacday oo dhamaan uu jirkooda go’ go’ay.
Duqa magaalada Gaarisa ayaa sheegay in ragan ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna u yimaadeen halkan inay dhibaateeyaan dadka reer Gaarisa.
Xaalada Gaarisa ayaa saakay ah mid caadi ah, iyadoo dadku ay hadal hayaan ragan ay miinada ku qaraxday iyagoo aasayay, waxaana qaraxan uu ku soo beegmayaa, iyadoo 15-todobaad ay ka harsan tahay doorashada madaxtinimada dalka Kenya.
Idale News Muqdisho