Midowga Afrika oo Ku Dhawaaqay in Al Shabaab Laga Saarayo Gobolada Jubbooyinka

0
343

Kigali (INO)—Madaxa Nabada iyo Amniga ee Ururka Midowga Afrika,  Smail Chergui ayaa ku dhawaaqay in Ciidamada AMISOM ay isku diyaarinyaan howlgallo militari oo Al Shabaab looga saarayo Gobolada Jubbooyinka ee Dalka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay Shirkii 27-aad ee Midowga Afrika oo lagu qabtay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda ayaa Smail Chergui waxuu sheegay ka hor inta aysan Ciidamada AMISOM ka bixin Soomaaliya in Al Shabaab ay ka saarayaan Goboladaasi.

Mr. Chergui oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in AMISOM ay tabareyso islamarkaana ay qalabeyn doonto Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay u xaqiijiyaan amaanka goobaha laga saari doono Xarakada Al Shabaab.

Waxaa uu xusay in Ururka Midowga Afrika uu qorsheenayo in Dalka Soomaaliya laga soo saaro Ciidamada ku howlgala magaca AMISOM sanadda 2018-ka markii amniga Dalka lagu wareejiyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Smail Chergui ayaa dhinaca kale waxuu carabka ku dhiftay in Xoogaga Nabad Ilaalada ee AMISOM ay xaqiijin doonaan amaanka goobaha doorshooyinka la filayo in ay ka dhacaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Sikastaba, Dagaal yahano ka mid ah Al Shabaab ayaa ku sugan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada qaar ee Dalka Soomaaliy, inkastoo lagu dhawaaqay in dhawaan la qaadi doono howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.