Cairio(INO)- Dowladda Masar ayaa Wasaarada Gaashaandhiga Somaliya waxa ay ku wareejisay hub iyo gaadiid dagaal, taasi oo maanta Safiirka dalka Masar u fadhiya Somaliya uu wareejiyay.
Gaadiidkaan ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa ay isticmaalaan ciidanka oo isugu gaadiid dagaal iyo gaadiidka Abmalaaska.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya C/qaadir Shekh Cali Diini ayaa sheegay hubkaan iyo gaadiidkaan inay isticmaali doonaan ciidamada Danab ee Somaliya.
Wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Masar garab istaaga ay garab taagan tahay Dowladda Somaliya iyo dhismaha ciidamada Qalabka Sida.
Saanada Millateri iyo gaadiidka ayuu Wasiirka Gaashaandhiga wuxuu ku wareejiyay Taliyaha ciidamada Xooga dalka Somaliya oo goobta ku sugnaa.
Jeneral Maxamed Aadan Taliyaha ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa ka mahadceliyay Deeqda Masar ay soo dhiibtay, wuxuuna sheegay inay wax weyn u tari doonaan ciidamada.
Agabkaan ayaa la sheegayaa inay isticmaali doonaan ciidamada Danab oo ah ciidan si gaar ah u tababaran, kuwaasi oo fuliya howlgalada Qorsheysan. Ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa waxaa ku socda dib u dhis iyo qalabeyn xoogan.