Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Kormeerayna Xaafadaha Ay Soomaalidu Degantahay “DAAWO SAWIRRADA”

0
240

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin dalka Ethiopia ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalkan Ethiopia.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku taala magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari kusoo dhaweeyey albaabka xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom oo isagu ah wasiirka Arrimaha Dibadda dalkan Ethiopia.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom oo ugu horeyn ka hadlay kulan ay wadayeesheen isaga iyo Gudoomiyaha waxa uu Mudane Jawaari uga mahad celiyey booqashada uu ku joogo dalkan Ethiopia ayadoo dhanka kalena uu Gudoomiyaha Baarlamaanka isna uga mahad celiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda soo dhaweynta uu u sameeyey.

Kulan qaatay saacad oo ayaa markii uusoo idlaaday waxaa shirjaraa’id qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo isagu tilmaamay in isaga iyo Wasiirka arrimada Dibadda ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah oo quseeya labada dal islamarkaana ay isku afgarteen dhammaanba qodabadii quseeyey.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo gudoomiyeyaasha gudiyada Baarlamaanka ayaa saakay waxey kormeer ku tageen xaafadaha ay magaalada Addis Ababa ka degenyihiin Soomaalida halkaasi oo gudoomiyuhu kulasoo kulmay qaar ka mid ah Soomaalida wadankan ku nool oo uu wax ka weydiiyey xaaladooda nololeed iyo hadii ay jiraan dhibaatooyin lasoo dersa.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan xaafadaha ay Soomaalidu ku badanyihiin magaaladan Addis Ababa oo kala ah Booli iyo xaafadda Jaamu oo ay dadka dalkan ku magacaabaan Muqdishada cusub oo iyana la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxey sheegeen iney aad ugu faraxsanyihiin kormeerka ay saakay ugu yimaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ayadoo dhanka kalena ay dadka Soomaaliyeed uga mahad celiyeen shacabka iyo Dowladda Ethiopia sida wanaagsan ee ay hada iyo goor Soomaalida dalkooda ugu soo dhoweeyaan.

Idale News Muqdisho