Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii Baar Liido iyo Maamulaha Baarka oo ka hadlay (Sawirro)

0
242

Maamulaha Baar Liido Sea Food Qaasim Maxamed Nuur ayaa sheegay in aanay wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin howlahooda shaqo Baarka iyo Adeega guud ee uu bulshada ku haayo, kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu maanta ku qarxay meel la dhigto Baabuurta ee loo yaqaano Parking-ka.

Qaasim Maxamed Nuur ayaa sheegay in gaari nuuca Surf ama Ruuneyd la soo geliyay, qeybta baabuurta la dhigto, dabadeedna qof ka degay oo watay aalada Remote Koontarool uu ku qarxiyay.

“Gaariga wuxuu ahaa Ruuneyd, baarkinga ayaa la soo geliyay, waxaa lagu qarxiyay Remote Koonatrool, marka qaraxa dhacay waxaa aragnay taleefan yar oo qaraxa loo adeegsaday, dhowr gawaari ayaa ku bas beeshay, waxaa gurmad noo fidiyay Maamulka Gobolka Banaadir oo dab damis nala soo gaaray iyo Hey’adaha amaanka”ayuu yiri Qaasim Maxamed Nuur.

Mar la weydiiyay cid gooni ah ay ku tuhmayaan ayuu sheegay inay sheegan doonaan cidii ka dambeysay, balse uu maleynayo inay ka dambeeyaan wixii wax qarxin jiray sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in sidii la rabay aanay u fulin qorshahaas, isla markaana uu qasaaraha uu noqday mid kooban, waxaana uu intaa ku daray in qeybaha kale ee Baarka aysan wax bur bur ah gaarin, laakiin qeybta Parking uu bur bur soo gaaray.

Sidoo kale Qaasim ayaa sheegay in maqaayada ay tahay meel ay ka cunteeyaan dadka Soomaaliyed, isagoo xusay in aanay u muuqan in cid gaar ah lala bartilmaameedsanayay, hase ahaatee ay yimaadaan dadka Soomaaliyed ee qurbaha ka yimid iyo kuwa ganacsatada ah.

Qaasim ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay, saddex kalena oo shaqaalaha Baarka ahaa ay ku dhaawacmeen, isagoo tilmaamay in aanay wax dhibaato ah soo gaarin dadkii kale ee maqaayada ka cunteynayay xilliga qadada.

Baarka Liido ayaa ku dhinac yaala xeebta, halkaasoo dadweyne fara badan ay u dalxiis tagaan, iyadoo Baarkan oo la furay bishii Agosto ee sanadkii hore uu ka mid yahay baararka ugu mashquulka badan ee laga furay caasimada Muqdisho.

 

 


Idale News Muqdisho