Madaxweynaha Soomaaliya oo furay Tartanka Ciyaaraha Gobolada,Iyo Shariif Xasan Oo Daawanaya

0
532

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow furay Tartanka Ciyaaraha Gobolada dalka oo galabta si toos ah uga bilowday Garoonka Banaadir Stadium ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada Tartankan lagu furayay waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee dowladda.

Maamulka gobolaka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay utahay in ay marti geliyaan Tartanka Ciyaaraha gobolada dalka sanadkan.

Tartankan galabta waxaa la filayay in lagu furo Puntland iyo Banaadir balse maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in cilad farsamo awgeed Puntland booskeedii lagu bedelay Koonfur Galbeed, waxaana galabta Garoonkaas ku cayaaraya Banaadir iyo Koonfur.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.