Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay waxaa si rasmi ah looga furay xafiiska Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.
Xafiiskaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo laga furo magaalada Baydhabo tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Xaflada Furitaanka Xafiiskaan cusub ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed Xasan Maxamed Cabdi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirisaaq Yuusuf Cali Bahlaawi, Agaasimaha Wakaaladda Waranka ee SONNA, Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta masuuliyiin kale.
“maanta farxad wayn ayay nootahay inaan dib u howlgalino xafiiskaan oo aanan shaqayn tan iyo burburkii ka dhacay Soomaaliya, waxaana socda qorshe balaaran oo lagu hormarinayo shaqada SONNA.” sidaas waxaa yiri Agaasimaha Wakaaladda SONNA.
Agaasimaha wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa asna dhankiisa sheegay in xafiiskaan uu yahay kii labaad oo SONNA ay ku yeelato gobalada dalka.
“Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed aad ayay u soo dhawaynaysaa qorshahaan lagu hormarinayo SONNA, iyo in sidoo kale halkaan laga furo xafiiska SONNA.” sidaas waxaa yiri Wasiirka warfaafinta iyo wacyi-galinta bulshada ee Koofur Galbeed.
Ugu dambeyntii, Dhowaan ayay ahayd markii dib loo howlgaliyay xafiiskii Wakaaladda SONNA ee magaalada Kismaayo, waxaana socda qorshe Wakaaladdu ay xarumo ugu yeelanayso dhamaan gobalada dalka.
Halkan Ka Daawo Sawirada Furitaanka Xafiiska SONNA Ee Koonfur Galbeed
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.