Wararka naga soo garaya Magaalada Muqdisho ee Xarunta Wadanka Somalia ayaa waxaay tibaxayaan in saacad ka hor magaaladaasi ay ka duleen wafdi ka socda Xukumada Somalia.
Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariim Maxamuud Gulled waxaa sido kale ka mid ahaa Wasiiro oo ka ka mid yahay Wasiirka Maliyada Somalia Maxamuud Salabeen.
Wafdigaan ayaa waxaay ka qayb galayaan Aas heer sare ah oo lo samaynaayo Wadadki Shalay lagu dilay Bartamaha Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nuugal.
Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacameey oo ka tirsan Culumada ugu waaweyn wadanka Somalia ayaa waxaa manta lagu asaya Duleedka Magaalada Garoowe waxaana askiisa ka qayb galaya Masuliy ka socota Puntland iyo Dowlada Fadaralka.
Idale News Muqdisho