Daawo Sawiro: Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Shabellaha Hoose Oo La Magacaawey

0
590

Afgooye(INO)- Xaflad si heer sare loo soo Agaasimey,islamarkaana ku aadanayd Guddomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Shabeelaha Hoose,ka dib kulamo iyo wada xaajoodyo mudo dheer soconayey ayaa lagu qabtey gudaha degmada Afgooye, iyadoo xafladaasi oo ay ka soo qeyb galeen Odoyaasha deegaanka, Aqoon yahano,  maamulka Degmada iyo Gobalka Haweenka iyo waxgarad kale ayaa ujeedadeedu waxay ahayd soo Magacaabida Guduumiyaha ururka haweenka Gobalka Shabeelaha Hoose.

Mayan love

Guddomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Mudane Ibrahim Najax oo Magacaabay Guddomisada ayaa ugu horeentii ka warbixisey dadaalada loo soo marey Magacaabista Guddomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Shabeelaha Hoose ayna ku qaadatey mudo ka badan ilaa laba bilood ,iyadoo  ugu dambeentii aan ku guuleysaney  soo xulida Guddomiyaha Haweenka Gobalka Shabeelaha Hoose Maryan Mukhtar Maxamed.

Guddomiyaha Gobalka  ayaa wuxuu intaasi ku dartey Guddomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Shabeelaha Hoose in uu ku soo xulayTayadeeda iyo Aqoonteeda, wuxuu kale tilmaamay howlaha hor yaala Guddomiyaha Cusub ee Ururu ka Haweenka  in ay ugu weyn yihiin nabadeynta iyo horomarinta arimaha Haweenka iyo Qoyska.

Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sanadahii ugu dambeeyeyba waxaa uu khilaaf uu ka taagnaa cida Maamulaysa Arimaha Haweenka  mudo ka badan ilaa iyo5 sano,oo is qabqabsi iyo muran uu ka taagnaa,balse talaabadan uu Guddomiyah Gobalka Shabeelaha Hoose uu qaaday uu ku magacaabay Guddomiyaha Ururka Haweenka , ayaa u muuqata mid si weyn ay u soo dhaweeyeen qeybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan Shabeelaha Hoose.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.