Ceelberde(INO)– Magaalada Ceel-Barde ee gobolka Bakool waxaa maalin ka hor gaaray Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo sidoo kale Siyaasiyiin Xilal kala duwan hore uga soo qabtay Soomaaliya.
Ujeedka Wafdiga ayaa ahaa sidii loo soo af-jari lahaa khilaaf u dhaxeeya Konfur Galbeed Soomaaliya iyo maamulka lagu magacaabo Bakool Sare oo dhawaan looga dhawaaqay degmada Ceel-barde.
Danjiraha Ururu Gobaleedka IGAD, Maxamed Cabdi Afeey ayaa degmada Ceel-barde ku amaanay nabad galyada ka jirta deegaanka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in wax lagu farxo ay soo bixi doonaan kulanka ay la qaateen maamulka iyo odayaasha deegaanka.
Xildhibaan C/wahaab ugaas xuseen ugaas khaliif ayaa sheegay in khilaafka udhaxeeya Konfur Galbeed Soomaaliya iyo maamulka lagu magacaabo Bakool Sare lagu dhameyn magaalada Muqdisho oo halkan ay kulan ku yeelan doonaan.
Ugu dambeyntii, Wafdiga dowladda Soomaaliya iyo Ururu Gobaleedka IGAD ee gaaray degmada Ceel-berde ee gobolka Bakool, ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah u leedahay in wada hadal lagu dhameyo khilaafka u dhexeeya bulshada iyo siyaasiyiinta Bakool Sare iyo Dowlad Gobaleedka Koofur Galeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso Codka.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.